
Dowladda Puntland oo bayaan Rasmi ah ka soo saartay weerarkii saaka ee degaanka Dharjaale ayaa shaacisay in aysan cidna dib uga laaban oo dhammaantood ciidanku dilay Argagixisadii weerarka soo qaaday.
Bayaan ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in dhammaan dagaallamayaashii weerarka soo qaaday lagu dilay hawlgalkii saaka oo aysan jirin cid ka baxsatay gacanta ciidamada.
“Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee Gobolka Bari, ayaa saaka fashiliyey isku dayga weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Kooxda dhiigmiiratada Daacish, waxaana halkaasi Ciidanku ku dileen oo aysan cidi ka laaban dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badan Ajaanib.”
“Geesiyaasha har iyo habeen u taagan Difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8xubnood, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka lagaarsiiyey Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada difaacu ku ruqaansadeen degaannadii ay weerarka ka soo qaadeen kooxaha Argagixisada ah balse dowladda faahfaahin kama bixin Khasaaraha dhinaceeda gaaray.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.