Ururka Daacish ayaa saaka arooryadii weerar loo adeegsaday gaari Toyota Surf ah oo walxaha qarxa laga soo buuyiyay iyo dagaal toos ah ku qaaday guri ay daganaaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire iyo taliyaha ciidmada difaaca Puntland Gen. Aadan Cabi Xaashi.
Mas’uuliyiinta ayaa ka badbaaday weerarka, basle waxaa ku dhintay ilaa 9 ruux oo labo ka mid ah yihiin shacab, halka ay ku dhaaawacmeen ku dhaawaad 30 qof. Kooxdii argagixisada Daacish ee wararka soo qaaday ayaa 6 ka mid ah la toogtay, halkii intii kalana baxsatay. Sidoo kale waxaa wararka ku gubtay gaadiid ay lahaayeen dad shacab ah, kuwaas oo sahay u waday ciidamada Puntland.
Deegaanka Dharjaalle oo ka tirsan ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari ayaa dhawaan waxaa saldhig ka sameystay ciidamada Puntland ee isu diyaarinaya gulufka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmiskaad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.