Dowladda Puntland ayaa canshuurta soo galista ka dhaaftay gaadiidka ka imaanaya dowlad deegaanka, si loogu fududeeyo badeecadaha ay ka keenayaan Itoobiya iyo kuwa ay ka qaadayaan dekadaha Bosaso iyo Garacad.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa go’aamisay in ay Canshuurta soo galista ka dhaaftay gaadiidka ka imaanaya dowlad deegaanka, si loogu fududeeyo badeecadaha ay ka keenayaan Itoobiya iyo kuwa ay ka qaadayaan dekadaha Bosaso iyo Garacad.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa Baraha Kantaroolada ku war gelisay in laga daayey Cashuurta( Enter)Soogelida Gaadiidka DDS Itoobiya ka imaanaya ee shixnadaha ganacsi ka qaada Dekadaha Puntland ee Bosaso iyo Garacad.
“Dhammaan baraha Kantaroollada dowladda Puntland, waxaa la amrayaa in ay u hoggaansamaan in ay gaadiidkaasi u fududeeyaan isu socodks waddooyinka ay ku gaarayaan dekedaha Garacad iyo Boosaaso” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Halkaan ka akhriso go’aanka Wasaaradda Maaliyadda
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.