Madaxweyne Deni oo Garoowe ka dhagax-dhigay isbitaalka ugu weyn Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar saacado kooban ah maanta ku yimid magaalada Garoowe ayaa dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS).

Madaxweyne Siciid Deni ayaa boggaadiyay dhismaha Isbitaalkan casriga ah oo noqonaya kii u horeeyey ee noociisa ah, islamarkaana laga hirgeliyo degaaanada Puntland isaga oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa.

Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ay dowladda Puntland uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirra-gelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP oo ka socday Shirkada IHS Health Care System.

Munaasabada waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, La-taliyeyaal Madaxweyne, wefdi ka socda Shirkada IHS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intaasi kaddib, Madaxweyne Deni ayaa sida Madaxtooyadu sheegtay dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, oo ay ka socdaan dardargelinta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST