In ka badan 70 qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Itoobiya

Tobanaan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waddo ku taalla gobolka Sidama ee koofurta Itoobiya.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa xaafimaadka ee Isbitaallada ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 71 qof ay ku dhinteen Shilkaasi oo ka dhacay degmada Bona oo ku taalla bariga Sidama. Sidama ayaa dhanka koofureed uga beegan magaalada Addis Adaba.

Mate Mengesha, oo ka mid ah madaxda dowladaha hoose ee degaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay, in shilku ka dhacay webiga Galana oo 125 u jira magaalada Hawassa ee caasimadda Ismaamulka Sidama.

Wuxuu sheegay in baabuur kuwa xamuulka ah oo waday rakaab fara badan uu ka baxay buundo ama bariij uu marayay kaddibna ku dhacay webiga.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray 68 rag ah iyo saddex dumar ah. Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay kasoo laabanayeen xaflad aroos, kuna sii jeedeen guryahooda.

PUNTLAND POST