In ka badan 140 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo saakay ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muan ee dalka Kuuriyada Koofureed.
Shilka ayaa yimid kaddib marki diyaaradda Jeju oo wadday rakaab gaaraya 181 qof ay ka baxday dariiqa ay diyaaradaha ku ordaan marka ay duulayaan iyo marka ay soo dagayaan, sidaasi waxaa xaqiijisay wakaaladda wararka Kuuriya ee Yonhap.
Diyaaraddan ayaa ka soo duushay dalka Thailand, waxana ay ku wajahneyd magaalada Muan ee koofurta South Korea. Dab ayaa qabsaday diyaaradda kaddib marki ay darbi ku dhacday sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.
Hay’adda Dab-damiska ayaa xaqiijisay in 140 qof ay dhinteen, laba qof oo shaqaala ahna la soo badbaadiyay, kadib markii la damiyay dab qabsaday diyaaraddasi oo ku burburtay wadada ay cagadhigtaan diyaaradaha ee Magaalada Muan.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed (Yonhap) oo soo xiganaysa saraakiisha wakaaladda dab damiska ayaa sheegtay in ay yartahay rajada laga qabo in la helo dad kale oo badbaaday.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.