Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay

Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa shaqa joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, sharma’arke Yaasiin Cali.

“Waxaan halkan ku wargelinayaa in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 28 December, 2024 lagaa joojiyey (Ag. Sharmaarke Yasin Ali), shaqadii aad u haysey Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland” ayuu Wasiir Xagaa ku caddeeyay wareegto uu soo saaray.

Wasiirka ayaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga ee uu shaqada ka joojiyay waxa uu ku eedeeyay, Maamul Xumo, Mas’uuliyad daro iyo Wadashaqayn la’aan, sida ku xusan wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiir Xagaa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa u magacaabay Ku simaha Agaasimaha Guud, Mohamed Siciid (Black) ee hadda ah Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga.

Halkaan ka akhriso Shaqa joojinta

PUNTLAND POST