
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah u ansixiyay hawlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo dhammaadka sannadkan beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.
Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Ingiriiska, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka uu ka aamusay Mareykanka oo shir-guddoominayay Fadhiga sababo la xiriira walaacyo ku saabsan Maalgelinta.
Hawlgalkan cusub ee AUSSOM oo heysta sharciyad 12 bilood ah ayaa gebi ahaanba laga saaray Ciidamada Itoobiya, waxaana uu noqon doonaa ilaa 12,626 askari oo kala ah ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah.
Uganda ayaa la wareegi doonta dhammaan goobihii ay Soomaaliya ka joogeen ciidanka Itoobiya ee laga reebay hawlgalka cusub waxaana Uganda noqonayso dalka ciidanka ugu badan howlgalkan ku biiranaya oo gaaraya 7,175 oo askari halka Jabuuti ku yeelanayso hawlgani 1,800 oo askari.
Dowladda Kenya ayaa sidoo kale hawlgal AUSSOM ku yeelan doonta 1,400 oo askari halka ciidamada Burundi oo hoos loo dhigay islamarkaana lagu soo koobay tirada ciidanka ka socda ee qeybta ka noqonaya AUSSOM 1,041 askari.
Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan illaa 30-ka Juun 2025, iyadoo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.