Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya ay ku dileen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare.
Duqeymahan oo ay iska kaashadeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa lagu beegsaday degaan Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Kuunyo Barrow Talaadadii, sida uu sheegay taliska Mareykanka ee Afrika.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku bogaadisay “hawlgal qorsheysan ” oo ay saaxiibada caalamiga ah” ka fuliyeen degaankaasi laguna dilay hoggaamiye sare oo Shabaab ah.
Dowladda ayaa sheegtay in hawlgalkaasi lagu dilay hoggaamiye lagu magacaabo Maxamed Mire Jaamac, oo loo yaqaan Abuu Cabdiraxmaan, kaasi oo ka dhacay degmada Kuunyo-Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Maxammed Mire xilal kala duwan ayuu ka soo qabtey al-Shabaab, haatanna waxa uu ku magacownaa madaxa willaayaatka Islaamiga ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.