Askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo aano qabiil loo dilay

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo aano qabiil ahaan loogu dilay nawaaxiga degaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyay ilaa 6 askari oo fasax ahaa kuna sii jeeday gobolka Hiiraan iyo darawalkii waday gaariga ay la socdeen ayaa la dilay, waxaana la sheegay in laba askari oo kale in dhaawac iyagoo ah ay baxsadeen.

Askartaan ayaa dhamaan madaxa laga wada toogtay kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Xawaadle, waxaana xusid mudan in todobaadyadii lasoo dhaafay deegaanka Ceel baraf iyo deegaano kale oo ku yaala xaduuda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iney ka dhaceen dagaalo khasaaro badan geystay oo dhexmaray beelaha Xawaadle iyo Abgaal.

falkaasi ka dhacay aaga degaanka Ceelbaraf ayaa ah mid si weyn u hadal hayaan shacabka Soomaaliyeed oo falkaasi ku tilmaamay wax aad looga xumaado, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale sanad iyo dhowr bilood ka hor aagga Ceelbaraf loogu laayey askar la socotay gaari shacab, kuwaas oo ka tirsanaa militeriga Soomaaliya.

PUNTLAND POST