Israa’iil oo weriyaal iyo dad rayid ah ku laysay

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo shan weriye ku dilay weerar lagu qaaday baabuur ay wateen oo marayay bartamaha xerada qaxootiga ee Nuseirat.

Sidoo kale Israa’iil ayaa duqeymo ku dilay shan rayid ah oo ku sugnaa dhismo ay deggan yihiin oo ku yiillay waqooyiga magaalada Gaza,waxaana weerarkaasi dambe lagu la’yahay ugu yaraan 30 qof.

Dhakhaatiirta Gaza ayaa sheegaya in saddex carruur ah oo joogay xero lagu soo barakacay oo ku taal koonfurta Gaza ay u dhinteen qabowga daran ,kadib kolkii Israel ay hor-istaageen cuntada, biyaha iyo sahayda jiilaalka ee ay u baahan yihiin dadka reer Falastiin.

Milatariga Israa’iil ayaa xoojiyay duullaanka ay ku hayaan xerada qaxootiga Tulkarem ee Daanta Galbeed maalin kadib markii ay halkaas ku dileen siddeed qof.

Kooxda Xamaas ayaa Israa’iil ku eedeysay in ay keeneen shuruudo cusub oo la xiriira  wada-hadallada xabbad-joojinta ee socda,halka xafiiska ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu isna ku eedeeyay kooxda Falastiiniyiinta in ay abuureen caqabado cusub.

Dagaalka Israa’iil ee Gaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 45,361 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 107,803 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii  2023.

PUNTLAND POST