Eritrea: Xiriirka ayaan u jaraynaa Soomaaliya hadday marin badeed siiso Iroobiya

Dowladda Eritrea ayaa ku hanjabtay in ay xiriirka u jari doonto Soomaaliya haddii dowladda Xasan Sheekh marin badeed Itoobiya ka siiso badda Cas.

Dibloomaasi sare Cabdiqaadir Idiris oo dowladda Eritrea kala taliya Arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay heshiiskii dalka Turkiga ku dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Diblomaasi Cabdiqaadir Idiris ayaa ku tilmaamay heshiiskii Ankara ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed mid uu mad-madow badan ka muuqdo oo aan la isku hallayn karin.

Wuxu intaasi ku daray in haddii ay caddaato in Soomaaliya marin badeed ka siiso Itoobiya dhinaca badda Cas taasi ay kaga jawaabayaan in ay xiriirka diblomaasiyeed u jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya.

“ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiqaadir Idiris.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in aysan marnaba dowladda Soomaaliya ka filayn in ay Itoobiya u saxiixdo heshiis ku saabsan bixinta marin badeed oo laga siiyo badda Cas.

Cabdiqaadir Idiris oo wasaaradda Arrimaha dibadda Eritrea kala taliya Arrimaha Soomaaliya oo wareysigan siiyay BBC-da ayaa sidoo kale xusay in haddii Soomaaliya heshiis badeed u saxiixdo Itoobiya uu halis gelin karo Amniga geeska Afrika.

PUNTLAND POST