Dagaal culus oo saaka ka socda qabalaha Dacawaley ee dowlad degaanka Soomaalida DDS

Wararka ka imaanaya qabalaha Dacawaley oo ka tirsan degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee dowlad degaanka Soomaalida DDS ayaa sheegaya in uu saaka halkaasi ka socdo dagaal culus.

Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada Amniga dowlad degaanka Soomaalida iyo mileeshiyaad hubaysan oo ka horyimid nidaamka dowliga ah ayaa la sheegayaa in uu ilaa iyo hadda sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Saraakiisha Amniga DDS ayaa tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid ay wateen mileeshiyaadka ka qayb qaatay dagaalkii saaka islamarkaana uu weli socdo hawlgal lagu soo af-jarayo mileeshiyaadkaasi.

Dhinaca kale Saraakiisha dowlad degaanka Soomaalida weli faahfaahin kama bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka ka socda qabalaha Dacawaley ee u dhexeeya ciidamada iyo mileeshiyaadka gadoodsan oo u abaabulan qaab qabiil.

PUNTLAND POST