
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saaka oo Talaado ah joojisay dhammaan diyaaradihii Rakaabka u qaadi jiray magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in saaka dowladda Soomaaliya baajisay dhammaan duullimaadyadii Rakaabka ee shacabka u qaadi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.
Go’aanka lagu Joojiyay diyaaradihii Rakaabka u qaadi jiray Kismaayo ayaa lagu tilmaamay mid siyaasadaysan oo salka ku haya khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland.
Waxase tallaabadani dhibbane u noqday shacabka Reer Jubaland oo sida muuqata dano siyaasadeed looga xannibay xuquuqdii dhinaca safarka ee dastuurku siinayo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.