Soomaaliya oo Masar la gashay heshiis cusub oo gaarsiisan heer istiraatiijiyeed

Dowladda Soomaaliya oo xalay bayaan soo saartay ayaa shaacisay in ay heshiis iskaashi oo gaarsiisan heer istiraatiijiyeed la gashay dowladda Masar.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayay ku sheegtay in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar ku heshiiyeen in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer istiraatiiji.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan magaalada Qaahira islamarkaana kulan la qaatay wasiirka Arrimaha dibadda Masar Badr Abdel Aty ayaa heshiiskani istiraatiijiyeed ku matalay dowladda.

“Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiiji” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Labada dhinac ayaa sidoo kale isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha iyada oo loo marayo Madasha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025” ayuu sii raaciyay bayaanka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli wefdi ka socda dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya si ay u dhammaystiraan heshiis istiraatiijiyeed oo dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

PUNTLAND POST