Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa ku guulaystay in ay xakameeyaan dagaal beeleed ka dhacay degmada Xarfo ee gobolka Mudug.
Dowladda ayaa bandow ku soo rogtay degmada Xarfo, islamarkaana guddi dhex-dhexaad ah u magacowday dejinta colaaddii labada dhinac, si loo xakameeyo dagaal beeleedkii shalay ka dhacay Xarfo.
Dagaalka oo ku salaysan muran dhuleed ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aysan dowladdu shaacin xogta khasaarihii ka dhashay dagaalka labada mileesha-beeleed.
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa oo ku sugan degmada Xarfo ayaa ku baaqay in xabbad-joojin rasmi ah la sameeyo, oo la kala qaado mileeshiyaadka labada dhinac, si dagaalka loo joojiyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.