Dowladda Soomaaliya ayaa wefdigii u horreeyay u direysa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaddib heshiiskii Madaxda labada dal ku gaareen Ankara.
Wefdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad, sida lagu sheegay war saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo saartay.
Wararka ayaa sheegaya in safarkan uu qeyb yahay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe, inkastoo aan lagu xusin War Saxaafadeedka Wasaaradda.
Socdaalkan wefdiga dowladda Soomaaliya uga ambabaxayaan Addis Ababa ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu maanta ka dhacay degmada Doolow ee Gobolka Gedo dagaal ay qeyb ka yihiin Ciidamada Itoobiya, kaasoo dhex maray Ciidamka DFS iyo kuwa taabacsan Jubbaland.
Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.