Madaxweynaha Faransiiska ,Emmanuel Macron inta uu ku jiray shirka jaraa’id ee wadajirka ay u qabteen ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu
sheegay in dalkiisu uu taageerayo doonista Itoobiya ee ku aaddan helitaanka badda, kaddib booqasho hal maalin ah oo uu shalay ku gaaray Addis Ababa.
Abiy ayaa dhankiisa sheegay in labada hoggaamiye ay si fiican uga wadahadleen sidii dalkiisa uu nabad ugu geli lahaa badda cas. Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Faransiiska uu aqbalay codsigii Itoobiya ee ahaa in laga taageerro doonista marinka badda.
Faransiiska , ayaa hab militari iyo diblomaasiyadeed ku taageerraya Itoobiya , iyadoo Paris ay tababar iyo qalabeyn siiso ciidanka Itoobiya ee loo tababaray inay ka howlgallan badda , taa oo la xiriirta tallaabo ay ku doonayso Itoobiya sida ay ku heli lahayd saldhig ciidanka badda , mana aysan sharrixin waligeed Itoobiya sababta ay u doonayaan saldhig ciidanka badda ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.