Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho rasmi ah xalay uga bilaabatay dalka Jabuuti kaddib markii uu gaaray caasimadda jamhuuriyadda Jabuuti.
Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Emmanuel Macron iyo wefdigiisa ayaa booqasho ku joogi doona Jabuuti mudda laba cisho ah waxaana madaxda wadankaasi uu kala hadli doonaa colaadaha ka jira Soomaaliya iyo Suudaan.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa sidoo kale u duuli doona magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Faransiiska ayaa taageero ka raadinaya wadamada geeska afrika kadib markii uu xumaaday xiriirka uu lalahaa dalalkii uu horey u gumeysan jiray ee ku yaala galbeedka qaarada afrika.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.