Golaha Wakiilada Mareykanka oo ansixiyay Miisaaniyad ku meel gaar ah

Golaha Wakiilada ee Mareykanka ayaa ugu dambeyn meel mariyay miisaaniyad kumeel-gaar ah oo lagu sii maalgelinayo dowladda federaalka Mareykanka ilaa bisha March.

Codbixintii ka dhacday Golaha ayaa waxaa taageeray 366 mudane, halka 34 ka soo horjeesteen, hal xildhibaanna uu ka aamusay. Dhamaan mudanayaasha diiday miisaaniyadda waxay ahaayeen xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Mudanayaasha Jamhuuriga ayaa isku raacay soo jeedin cusub oo la xiriirta miisaaniyadda. Shir dheer oo ay yeesheen xildhibaannada Jamhuuriga kadib, Afhayeenka Golaha Wakiillada, Mike Johnson, ayaa sheegay in la isku afgartay qorshe cusub oo looga fogaado xirnaanshaha shaqada dowladda.

Tallaabadan degdegga ah ayaa timid kadib markii xildhibaanada Jamhuuriga ee Kongareeska ay Khamiistii ku guul-dareysteen in ay meel mariyaan miisaaniyad uu taageerayay Madaxweynaha la doortay Donald Trump.

PUNTLAND POST