Dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqday in ay bilowday diraasad ku saabaan samaynta lacag iyada u gaar ah.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa shaaciyay in sannadka 2025 Puntland yeelan doonto lacag iyada u gaar ah taasi oo ay haddaba socoto diraasad ku saabsan hirgelinteeda.
“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya.”
“Waxaan rajaynaynaa mudda gaaban oo inta 2025 lagu jiro haddii Ilaahay idmo in la helo lacag Puntland ay lee dahay, marka maanta go’aankaasi ayaa dowladdu waayadanba ka shaqaynaysay” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.
Halkaan ka daawo Hadalka Madaxweyne Deni
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.