Mareykanka oo in ka badan 270,000 kun oo qof tarxiilay mudda 12 bilood ah

Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka ayaa in ka badan 270,000 oo qof u tarxiilay 192 waddan muddo 12 bilood ah, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee sannadle ah tobankii sano ee la soo dhaafay.

ICE, oo ah hay’adda ugu weyn ee dowladda ee mas’uulka ka ah ka saarista dadka sida sharci-darro ah dalka ku soo gala ayaa sheegeytey in 271,484 la masaafuriyay sannad maaliyadeedkeeda dhamaaday Sebtembar 30 keedii.

Waxay ahayd tiradii ugu badneyd ee dad ah oo la masaafuriyey tan iyo 2014, markaasoo ay ICE dalka ka saartay 315,943 qof. Tiradii ugu badneyd ee mudadii hore ee uu xilka hayey Trump waxa ay aheyd 267,258 sanadkii 2019.

Duulimaadyada masaafurinta ee kordhay, oo ay ku jiraan maalmaha fasaxa ah, iyo habraaca safarka ee dadka loo diro Guatemala, Honduras iyo El Salvador ayaa sare usii qaadey howlaha masaafurinta, sida ay sheegtey ICE.

Sidoo kale Khamiista, Ha’yadda Kastamyada Mareykanka iyo Ilaalinta Xuduudaha ayaa sheegtay in ay xirtay 46,612 kuwaasoo si sharci darro ah uga soo gudbey xuduuda Mexico bishii Nofembar.

PUNTLAND POST