Madaxweynayaasha Faransiiska iyo Jabuuti oo ka wada-hadlayaa Xaaladda Soomaaliya

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcaha berri ah u safri doona dalka Jabuuti, halkaasi oo uu Kulan Casho ah kula yeelan doono ciidamada Faransiiska ee ku sugan saldhigga Jabuuti, ka hor inta aanu u gudbin Itoobiya, waxaa sidaas sheegtay madaxtooyada Faransiiska.

Madaxweyne Macron ayaa sidoo kale halkaasi kula kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu kala hadli doono xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ay ka jiraan colaado iyo weeraro kala duwan oo ay geysanayaan Islaamiyiinta xagjirka ah iyo weliba dalka Suudaan, oo ay halakeeyeen in ka badan sanad iyo bar dagaal sokeeye ah.

Saldhigga Faransiiska ee Jabuuti, oo ay ku sugan yihiin 1,500 oo askari, ayaa ah ciidamada ugu badan ee Faransiiska dibadda ka jooga, waana kan keliya ee aanay saamayn ku yeelan dhimista baaxadda taariikhiga ah leh ee loo qorsheeyay ciidamada Faransiiska ee qaaradda Afrika, ka dib dib-u-dhacyo isdaba joog ah oo Faransiiska ku qabsaday gobolka Saaxil sannadihii u dambeeyay.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa Sabtida u duuli doona magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxay daah-furi doonaan Qasriga Qaranka oo ah dhisme taariikhi ah oo ahaa gurigii ugu dambeeyay ee ku noolaa Boqor Xayle Salaase-ha 1-aad, kaasi oo la afgambiyay 1974-kii.

PUNTLAND POST