Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraal ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in guddoomiye Aadan Madoobe iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wefdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Wefdiga Guddoomiyaha oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaanno ayaa
waxay Magaaladda Baydhabo uga qeyb geli doonaan xuska sanad guurada lixaad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

PUNTLAND POST