Jubaland oo Villa Somalia ku eedaysay in ay qalalaase amni ka waddo gobolka Gedo

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qalalaase amni ka waddo degaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Jubaland.

War qoraal ah oo uu faafiyay Telefishinka Jubaland ayuu ku eedeeyay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh in ay qalqal gelin iyo furfurid ka waddo degaanno nabdoon oo ka tirsan Jubaland gaar ahaanna gobolka Gedo.

“Eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wali wada kala furfurida iyo qalqal galinta amniga deegaanada nabada ah ee Jubbaland ayadoo la ogyahay Cawaaqiib xumada uu kala kulmay Dhalinyaradii uu kusoo qalday Deegaanka Raaskambooni” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

“Dagmooyinka Gobolka Gedo ayeey Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa mar kale isku dayayaan in ay ka abuuraan qalalaaso amni taas oo keeni karta in amnigu uu faraha kasii baxo madaama saraakiishii loogu talagalay in ay sugaan amniga loo adeegsanaayo dano siyaasadeed” ayuu sio raaciyay qoraalka.

Jubaland waxay sheegtay in Ciidamadii loogu talagalay in ay ilaaliyaan Nafta, maalka iyo Amniga Shacabka Soomaaliyeed ay Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa u adeegsanayaan in ay ku dumiyaan nidaam dowli ah oo dhisan mana ahan wax uu dastuurka dalka qabo.

PUNTLAND POST