Firdhiye oo Baalmaray Wadatashiga Asaaska U Ah SSCK

W.Q. Siciid M. Sheekh Cali

Wadatashiga uu Firdhiye diiday wuxuu sababi lahaa in xog buuxda laga helo dhibaatada soo gaartay dadka SSCK ka soo jeeda ku nool Ceerigaabo.

Laascaanood (Faallo) — Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) hoggaamiyaha maamula ku meelgaarka ah ee Sool, Sanaag iyo Ceyn ee SSC-Khaatumo wuxuu baalmaray habkii go’aan qaadashada oo asaas ah maamulka. Kal hore sanadkan markii Axmed Karaash isku dayay in colaad ka alooso Cerigaabo,  mabda’a colaadda laga hortagay waxaa qeexay Garaad Cabdullaahi Garaad Garaad Saleebaan. “Marnaba ku maynan baaqin colaad ka dhacda Ceerigaabo xitaa markii dagaalkii Laascaanood uu socday” ayuu yidhi Garaad Cabdullaahi oo beeshiisu degto Ceerigaabo.

Hadalka Garaadku wuxuu soo afjaray qorshishii Axmed Karaash. Dhowaan markii dhallinyaro xilkasnimo-daran ay dadka SSCK ka soo jeeda dhac iyo dil ugu geysteen Ceerigaabo ayuu Firdhiye ku baaqay tallaabo ciidan isaga oo aanan shirinin Golaha Dhaqanka ee SSCK iyo Baarlamaanka SSCK. Firdhiye muu hayo xog ballaaran ku saabsan dhibta soo gaartay ama lagu hayo dadka SSCK oo ku nool Ceerigaabo oo uu maamulka Somaliland uu ka taliyo.

Garaad Cabdullaahi Garaad Garaad Saleebaan: ”Marnaba ku maynan baaqin colaad ka dhacda Ceerigaabo xitaa markii dagaalkii Laascaanood uu socday.”

Waxaa xusid mudan in Madaxdhaqameedka Beesha Garxajis ay garawshiiyo ka muujiyeen wixii loo geystay dadka SSCK oo ku nool Ceerigaabo heshiiskii 1995kii dhacay awgiis. Caddeyn ka wanaagsan ka hadalka odayaasha Garxajis ma jirin. Way jireen odayaal reer SSCK oo xusuusiyay maamulka Somaliland waajibka ka saaran dhowrista xaqa dadka SSCK kula nool Ceerigaabo dadka kale.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa ku eedeeyay Firdhiye inuu qeyb ahaan ka mas’uul yahay ismaandhaafka ka dhex jira Puntland iyo SSCK.

Maamulka SSCK wuxuu baaq u jeediyay beesha caalamka ka sokow colaadda dadban uu Firdhiye ku baaqay. Wadatashiga uu Firdhiye diiday wuxuu sababi lahaa in xog buuxda laga helo dhibaatada soo gaartay dadka SSCK ka soo jeeda ku nool Ceerigaabo. Firdhiye colaad wuxuu u arkaa xaalad uu kaga dhuuman karo go’aan qaadasho xukuumadiisa iyo u nuglaantiisa kooxo gaar ah oo kula taliya inuu diido wadatashi.  Dhowaan wuxuu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ku eedeeyay Firdhiye inuu qeyb ahaan ka mas’uul yahay ismaandhaafka ka dhex aloosan Puntland iyo SSCK. Barlamaanka SSCK ayaa eedda wax ku leh oo oggolaaday in Firdhiye soo jeediyo khudbado  dhalin kara colaado aan loo baahnayn. Waa  in madaxdhaqameeedka SSCK ay xakameeyaan maamulka Firdhiye uu hoggaamiyo oo doonaya inuu awoodda ku sii haysto aloosidda colaado aan ahayn kuwo ku salaysan is difaac.

W.Q. Siciid M. Sheekh Cali

Aragtida falladani cabbirayso waxay gaar u tahay qoraha.