
Shir Looga Arrinsanayo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa waxa isugu yimid Dawladda Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare.
Shirka oo uu Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, Waxaa soo Agaasintey Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare.
Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Waxaa dhinacyada Shirku isku raaceen:
1. In Dawladdu Dardargeliso Kaalinta Kaga Aaddan Horumarinta Arrimaha Tacliinta Sare.
2. In Dawladdu La Garab Istaagto Tacliinta Sare Qoondo Dhaqaale Iyo Taageero Farsamo.
3. In Laga Shaqeeyo Xoojinta Wada-Shaqaynta Bahda Tacliinta Sare Lana Mideeyo Iskaashigooda.
4. Inay Hirgeliso Wasaaradda Waxbarashadu Barnaamijka Maaraynta Xogta Tacliinta Sare ( HEMIS), Wasaaradduna ay tahay cidda maamuleysa xogta Jaamacadaha Puntland.
5. In la dedejiyo dib-u-eegista iyo waxkabeddelka lagu sameynayo siyaasadaha iyo shuruucda la xiriira tacliinta sare iyo meel marintooda si loo hirgeliyo dhismaha Guddiga Tacliinta Sare.
Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.