Dagaalkii Ceerigaabo oo sii xoogaystay kadib markii gurmadyo ciidan ku biireen

Dagaal culus oo laba jiho ah ayaa weli ka socda magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag halkaasi oo ay ku dagaallamayaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland.

Dagaalka oo wakhti kooban hakad galay ayaa duhurnimadii dib uga bilowday kantaroolka bari ee Ceerigaabo iyo qaar kamid ah xaafadaha degmadaasi oo ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee Somaliland iyo SSC-khaatumo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dib u bilowday kaddib markii labada dhinac uu mid walba helay gurmad ciidan oo gadaal kaga biiray islamarkaana ku gaashaaman gaadiidka dagaalka sida ay tilmaamayaan goob-joogayaal.

Weli faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca labada dhinac waxaase warar hordhac ah tibaaxayaan in dhimashadu kor u dhaaftay 10 qof halka dhaawacana uu yahay in ka badan 30 ruux oo ay ku jiraan dad rayid ah.

PUNTLAND POST