Dagaal xooggan oo maanta ka dhacay Ceerigaabo iyo SSC oo ka hadashay

Dagaal xooggan oo khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sababay ayaa maanta o Sabti ah ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan bilowday kaddib markii ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan mileeshiyaad abaabulan ay weerar ku qaadeen dhinaca beelaha Harti ka deggan yihiin magaalada Ceerigaabo.

Wararka ayaa tilmaamaya in xaafadaha la weeraray ay amnigooda sugayeen ciidamada SSC-khaatumo iyo ciidamada Maakhir kuwaasi oo si weyn u difaacay shacabka iyo hantidooda islamarkaana dib u riixay ciidamadii soo weeraray.

Maamulka SSC-khaatumo oo warsaxaafadeed ka soo saaray dagaalkaasi ayaa si adag u cambaareeyay duullaanka Somaliland ku qaaday magaalada Ceerigaabo waxaana uu caddeeyay in uu difaacayo shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka SSC

PUNTLAND POST