Baarlamaank Koonfurta Kuuriya oo u codeeyay xilka qaadista madaxweyne Yoon Suk Yeol

Baaralamaanka Koonfurta Kuuriya ayaa waxay u codeeyeen in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, waxaana u codeysay 204 xubnood.

Arrintaan ayaa waxaa micnaheedu yahay in Yoon sida ugu dhaqsiyaha badan looga mamnuuci doono xafiiska, ra’iisul wasaaraha dalkaas ayaana noqon doono sii hayaha xilka madaxweynaha.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhiibtay codkooda ku aadan mooshinka xilka qaadista ah, waxaana ay haatan warbaahinta gudaha dalkaas tabineysaa in la rajeynayo in natiijada cod bixinta lagu ogaado saacad gudaheed, xilligaas oo ku aadan gudaha dalkaas, 17:30, kuna beegan 11:30 waqtiga geeska Africa.

Mooshinka ay keeneen mucaaradku ayaa waxa uu u baahan yahay oo kaliya sideed cod oo ay ka helaan dhanka xisbiga talada haya ee PPP si uu u dhaqan galo.

PUNTLAND POST