Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden oo maalmahan ku sugnaa magaala madaxda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa kulan la qaatay taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Janaraal Birhanu Jula.
Madaxweyne ku xigeen Maxamuud Sayid iyo Taliyaha Ciidamada Itoobiya ayaa ka wada-hadlay arimo ay kamid yihiin amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee degaannada Jubaland. Arimaha kale ee laga wadahadlay waxa kamid ah isu socodka xuduudda gobolka Gedo iyo Itoobiya, sida ay baahisay warbaahinta Jubaland.
“kulanka ayaana looga hadlay xaaladda Amniga, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka kooxaha Khawaarijta ee kusugan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Dowladda Jubaland iyo isu socodka bulshada Kunool xuduudaha iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada labada Dal” ayay sheegtay Warbaahinta Jubaland.
Kulankaan waxaa Madaxweyne ku xigeenka koowaad Ku wehliyay Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Jubaland Axmed Baraaki (Zubeyr) iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Jubaland Mascuud Cabdulaahi Axmed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.