Madaxtooyada Soomaaliya oo ka warbixisay Wareegga Saddexaad ee Wada-hadallada Itoobiya iyo Soomaaliya

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Recep Tayyip Erdoğan.

Qoraal Rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdiga uu hoggaaminayo magaalada Ankara u tageen ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa
Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri Qoraalka oo intaasi ku daray” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in ay u mahadcelinayso dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.

PUNTLAND POST