Dagaal xooggan u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Jubaland ayaa saaka oo Arbaco ah ka dhacay duleedka degaanka Raas Kambooni ee gobolka Jubada Hoose.
Warka ku saabsan dagaalkani, waxa xaqiijiyay Telefishinka Jubaland, kaasi oo sheegay in weerarka ay soo qaadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaanahan lagu daabulayay degaanka Raas Kambooni.
Jubaland TV ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Jubaland oo ku jira dadaal is difaacid ah ay iska caabiyeen weerarka Ciidamada dowladda, islamarkaana khasaare kala duwan gaarsiiyeen, sidoo kalena ka qabsadeen difaacalyadii hore ee degaanka Raas Kambooni.
“Ilaa hada Ciidamada Jubaland ayaa la wareegay difaacyada hore ee deegaanka Raaskambooni ay kaga jireen maleeshiyada kusoo duushay Jubaland iyadoo khasaare Kala duwan la gaarsiiyay” ayuu sheegay Telefishinka dowladda Jubaland oo warbixin ka qoray dagaalkii saaka.
Dhinaca dowladda Federaalka Soomaaliya, weli kama hadlin dagaalka labada dhinac mana xaqiijin sheegashada Jubaland, iyadoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijin karta Khasaaraha dagaalka labada dhinac.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.