Ciidamada Jubaland oo si buuxda ula wareegay degaanka Raas Kambooni

Cidamadii dowladda FDS oo isu dhiibaya Kenya

Ciidamada dowladda Jubaland ayaa gebi ahaanba qabsaday degaanka Raas Kambooni oo dhawaanahan dowladda Federaalka Soomaaliya ku daabulaysay ciidamo gaashaaman.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in ciidamada Jubaland si buuxda ula wareegeen Raas Kambooni kadib dagaal xooggan oo maanta halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda Federaalka ee dhawaan la geeyay degaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta uu ka dhashay khasaare xooggan islamarkaana ciidamada Federaalka laga qabtay maxaabiis iyo gaadiid dagaal kadib markii la jabsaday difaacyadoodii hore.

Boqolaal ka mid ah Ciidankii dowladda ee maalmihii la soo dhaafay diyaarado lagu geeyay Raaskambooni ayaa isu dhiibay Ciidanka Kenya ee ku sugan xuduudka.

Barta Twitterka ee Hey’adda Ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee Kenya ayaa lagu daabacay sawirada ciidamo raxan raxan u socda oo hubka dhigay kuwaasi oo isu dhiibaya ciidanka Kenya.

PUNTLAND POST