Wasiir Fiqi oo Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu garabka saaray Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu si toos ah Itoobiya garab uga raadsaday si ay uga caawiso dagaalka ka dhanka ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee lagu daabulay degaannada Jubaland.

“Sheekh ma ahan Axmed Madoobe. Dadkiisa ayuu ka cararay, Itoobiya ayuu miciin biday, waxaan leeyahay ciidanka ka taga ninkaas” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay magaalada Muqdisho, wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka Jubbaland in ay ka hor istaagaan Ciidamada Itoobiya.

“Waxaa xaaladda sii murjiyay dhaqdhaqaaqyadii hore ee Itoobiya ee dhul-ballaarsiga, oo ay ka mid aheyd isku day ku doonaysay inay gacanta ku hayso dhul-badeedka Soomaaliya ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland),” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fiqi, isagoo walaac weyn ka muujisay in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Jubbaland.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay falalkani inay  khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, ayna wiiqayaan xiriirka derisnimo, iyo mabaadi’da nabad-ilaalinta ee Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoo xusay in tallaabooyinka Itoobiya ay carqaladaynaya wada-xaajoodyadii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

PUNTLAND POST