Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Michael Nithavrianakis.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda.
“Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse.
“Danjire, Michael, ayaa dhankiisa sheegay in dowladda UK ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka” ayuu sii raaciyay Qoraalkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.