Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Amiir

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ku magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ay Villa Somalia ku tilmaantay aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka ahna Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Muqdisho, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST