Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la filan karo in ay Kulan toos ah yeeshaan

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta safar ugu baxo dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo doonaya in uu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa ayaa laga soo xigtay in safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo Turkiga uu salka ku hayo xallinta xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya islamarkaana wada hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu dhowr jeer diiday in uu la kulmo Abiy Ahmed kadib markii uu shardi ka dhigay in marka hore dowladda Itoobiya ka laabato is afgaradkii badda ee dhexmaray xukuumadda Addis Ababa iyo Somaliland kaasi oo dhigayay in marin badeed Itoobiya ka hesho xeebaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST