Puntland oo ciidamadii ugu badnaa u diyaarisay Hawlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah

Kumanaan ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa isu diyaarinaya ay hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah.

Guutooyin kamid ah ciidamada Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee qaabilan La-dagaallanka Argagixisada ayaa ku jira diyaar-garowgii u danbeeyay ee Hawlgalka buuraha Calmiska si ay halkaasi uga saaraan kooxaha Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ee loo diyaariyay Hawlgalka Calmis ay hadda ku sugan yihiin degaanka Kalabayr ee gobolka Bari islamarkaana loo dhammaystiray Hubkii iyo Saanadii Ciidan si ay u burburiyaan mileeshiyaadka Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta buuraha gobolka Bari.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha Nabad-diidka ah durba isaga baxeen dhawr tuulo oo ku yaalla Calmiskaad ka hor inta uusan bilaaban Hawlgalka waxaana la sheegaya in ay hadda ku urureen buuraha dushooda sare oo ay gabbaad ka raadinayaan.

PUNTLAND POST