Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta soo saaray dikreeto magacaabis oo ku saabsan Taliska qeybta Booliska gobolka Raas Casayr.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 25 ee 08-da December, 2024, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Raas Casayr” ayaa lagu yiri dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa Taliyaha cusub ee qeybta Booliska gobolka Raas Casayr u magacaabay G/sare Mahad Cali Car-car kaddib markii uu tixgeliyay aqoontiisa iyo waaya-aranimadiisa ciidan sida ku cad dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo Waxaa G/sare Mahad Cali Car- Car loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Raas casayr” ayay intaasi raacisay dikreetada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.