Boqolaal dadweyne ah ayaa ku xaniban gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, kadib markii dowladda Soomaaliya hakisay dhammaan duulimaadyadii gudaha ee diyaaradaha ay ku aadi lahaayeen gobolada dalka.
Dowladda Federaalla Soomaaliya ayaa dhammaan joojisay duulimaadyada gudaha, waxaana la sheegay in tallaabadani salka ku hayso dowladda oo Arbacdii dalbatay in loo sameeyo 20 duulimaad oo Raas Kambooni lagu daabulayo ciidamo, taasi oo Shirkadaha diyaaraduhu diideen.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa sida wararku sheegayaan codsiga dowladda ee arrinta Raas Kambooni diiday, kaddib digniin dhawaan ka soo baxday Jubaland oo diyaaradaha rayidka ah ku wargelisay in aysan imaan karin Raas Kambooni, sababa amni dartood.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareynayaa go’aanka dowladda Federaalku ay maanta ku joojisay dhammaan duullimaadyadii u safri lahaa gobollada dalka, kadib markii ay diyaaraduhu halis amni ka muujiyeen in ay ciidan u daadgureeyaan deegaanka Raaskambooni.
“Waxaan ka xumahay in shacab Soomaaliyeed oo isugu jira haween, carruur, iyo waayeel ay maanta dhibbanayaal u yihiin go’aankan, oo ay garoonka Aadan Cadde ku xayiran yihiin kumanaan muwaadiniin ah oo u kala safri lahaa gobollada dalka” ayuu yiri Ra’iisul wasaare hore Khayre.
“Socdaalku waa xuquuq lamataabtaan ah oo muwaadinku leeyahay, waxaana ayaandarro ah in la siyaasadeeyo, si diyaaradaha loogu khasbo in ay ciidanka daabulaan. Waxaan madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa ah in ay si degdeg ah uga laabtaan go’aankan gurracan, si shuruud la’aan ahna u fasaxaan diyaaradaha” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.