Dowladda Mareykanka ayaa diidday warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ,taasi oo sheegtay in ay jiraan caddaymo dhameystiran oo ku saabsan xasuuqa Israa’iil ka samaysay marinka Gaza.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu dafiray warbixinta ay soo saartay hay’adda Amnesty International ee caddaynaysa xasuuqa Israa’iil ka samaysay marinka Gaza oo si aan kala sooc lahayn u beegsatay rayid u badan haween iyo carruur.
“Waan ku khilaafsannahay gunaanadka warbixintaan, waxaanna horay u sheegnay oo aan sii wadnay inaan ogaanno eedeymaha ku saabsan xasuuqa in ay yihiin kuwo aan sal lahayn,” ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel oo bayaankaasi akhriyay.
Hay’adda Amnesty International oo fadhigeedu yahay magaalada London ayaa warbixin ay Khamiistii soo saartay ku sheegtay in ay hesho caddaymo dhammaystiran oo ku saabsan xasuuq ba’an oo Israa’iil ka samaysay marinka Gaza.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa sisoo kale dhawaan soo saartay amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo ku eedaysan dambiyo dagaal iyo xasuuq dhan ah bini’aadanimada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.