Shir ku saabsanaa Maareynta Marxaladda kala guurka ah ee Hawlgalka ATMIS oo Muqdisho lagu qabtay

Shir ku saabsanaa Maareynta Marxaladda kala guurka ah ee Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhawr qodob.

Shirka Taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku qabsoomay Magaalada Muqdisho inta u dhexeysay 30-ka Nofeembar, ilaa 4-ta Diseembar 2024, waxaana diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo Hawlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirkan uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur islamarkaana ay ka qeyb galeen Taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxaa ka soo baxay:

Soo dhaweynta Hawlgalka cusub ee AUSSOM, iyada oo lagu adkeeyay in howlgalkani uu ka faa’iideysto casharradii laga bartay ATMIS, si loo xoojiyo amniga Soomaaliya, islamarkaana waxa Dalalka ciidamada ku deeqay xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa xaqiijiyey sida ay u garab taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale la soo jeediyay in la sameeyo hab-raacyo isku-dubarid ah oo heer istaraatiiji, hawlgal, iyo farsamo leh, iyadoo la isku raacay qorshe lagu horumarinayo meelaha istiraatiijiga ah ee ay dagi doonaan AUSSOM, halka Beesha Caalamkana laga dalbaday Agabkii iyo dhaqaalihii Hawlgalka cusub ee AUSSOM.

PUNTLAND POST