Qatar ayaa dib u billowday doorkeeda dhex-dhexaadinta ee dadaalka lagu doonayo in xabad-joojin lagu dhex dhigo Israa’iil iyo Xamaas ka dib markii muddo kooban ay hakisay, sida ay ilo xog ogaal ah ka xigatay wakaalada wararka ee AFP Khamiista maanta ah.
Ilo-wareedkani oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Qatar, oo bishii hore hakisay dhex-dhexaadintii xabad joojinta Gaza, ay hadda ku soo laabatay dhex-dhexaadinta, isaga aan wax faahfaahin ah ka bixin shirarkii ugu dambeeyay ee ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Qatar ayaa hakisay dhex-dhexaadinta horraantii November, ayada oo sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta dadaallada.
Waxay xilligaas sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Israa’iil.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.