Fadhiga Saaka ee xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa waxa hareeyay dood ku saabsan Khilaafka Arrimaha Federaalka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya.
Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa ka doodaya khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka dowladnimada Soomaaliya ee ka dhashay wax ka beddelka dowladda Federaalka Soomaaliya ku samaysay dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee dalka.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale ka doodaya jihada uu hadda ku socdo dalka iyo sida lagu badbaadin karo kadib markii khilaaf ba’an ka dhashay hannaanka doorashooyinka Villa Somalia riixayso ee lagu sheegay qof iyo cod oo ay diiddan yihiin inta badan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay hoggaaminayso dowladda Puntland.
Ilo wareedyo ku sugan gudaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegaya in xildhibaannada doodaya badankooda la mowqif yihiin xukuumadda madaxweyne Deni islamarkaana taageersan yihiin go’aannadii ay ka qaadatay khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Doodda oo weli socota ayaa laga war sugaya go’aanka Baarlamaanka Puntland uu ka qaato khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka ee ka dhashay wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii KMG aha iyo sidoo kale xiisadda Jubaland iyo Villa Somalia.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.