Madaxweynaha Koonfur Kuuriya oo wajahaya xilka xayuubin kadib markii uu Martial law ku soo rogay dalkiisa

Xildhibaannada Baarlamaanka Kuuriyada Koofureed ayaa saaka oo Arbaco ah ku baaqay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, ka dib markii uu Talaadadi shalay ku dhawaaqay sharciga dagaalka loo adeegsado ee Martial law, kaas oo uu marki danbe dib uga laabtay.

In ka badan 190 mudane oo saaka xarunta Baarlamaanka xoog ku galay kaddib marki ay jiireen millitariga ayaa dhammaan cod isku mid ah ku diiday, shacdiga martial law-ga ee uu soo rogay madaxweyne Yoon. Xildhibaanadaasi ayaa waxaa ku jiray 18 ka mid ah xisbiga madaxweyne Yoon.

Madaxweyne Yoon Suk Yeol oo shalay khudbad jeediyay ayaa sheegay in uu soo saaray sharciga dagaalka loo adeegsado ee (Martial law), si uu dalkiisa uga difaaco dalka dariska la ah ee Waqooyiga Kuuriya oo ah dal ku hubeysan niyukleer, shakhsiyaad diidan qarannimada Kuuriyada iyo in uu ilaaliyo dastuurka dalkiisa, balse cadaadiskaasi kaddib ayuu ka laabtay go’aankaasi.

Soo saarista sharciga dagaalka ee Martial law, ayaa dhalisay xasaraddii ugu weyneyd ee siyaasadeed ee muddo tobnaan sano ah ka dhacda Koonfur Kuuriya, taasi oo la filayo in ay horseeddo dibadbaxyo lagu dalbanayo is casilaadda madaxweyne Yoon Suk Yeol.

Ururada shaqaalaha South Korea ayaa durba saaka ku dhawaaqay in ay billaabi doonaan shaqo joojin, ilaa uu madaxweyne Yoon iska casilayo, waxaa la filaya in ay isla maanta bilowdaan dibadbaxyo waa weyn.

PUNTLAND POST