Alle ha u naxariistee, senetar Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab) ka tirsanaa Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Geerida marxuumka Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab) oo sidoo kale soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland, waxa xaqiijiyay xubno kamid ah Qoyskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyay geeridiisa.
Sidoo kale, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Senetar Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab).
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.