Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dowladda Puntland hadana ka tirsanaa Aqalka Sare ee Soomaaliya Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ku geeriyooday dalka Turkiga magaalada Istanbul.
“Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland, hadana ahaa senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Soomaaliya, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo geeriyooday, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalka iyo dadkaba, isagoo ka mid ahaa aasaasayaaahii Puntland isla markaana xilal kala duwan soo qabtay.”
“Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeynayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday. Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo inagana samir iyo iimaan Allaah ha inagasiiyo” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Dhinaca kale, geerida marxuumka waxa ka tacsiyeeyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare.
Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuu ahaa aqoonyahan, waddani, xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ooy ka mid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Maaliyadda Puntland, iyo haatan uu ahaa Sentor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu danbayntii, Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab waxaana uu xusay in marxuumku uu door wanaagsan ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo siyaasadda dalka, isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.