Waxaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ka qabsoonto doorashada guddoonka cusub ee guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka
Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xubnaha guddiga doorashooyinka oo ka kooban 18 xubnood ay maanta dooranayaan guddoon cusub kadib markii uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka dalka.
Xildhibaan Mahdi Guuleed ayaa sidoo kale tilmaamay in doorashada guddoonka cusub kadib uu guddiga si toos ah u bilaabayo hawlaha diyaarinta doorashooyinka qof iyo cod ee dowladda Federaalka Soomaaliya doonayso in ay hirgeliso.
“Gudoonka guddiga doorashooyinka ayaa maanta la qabanayaa, si shaqadooda qabashada doorasho qof iyo cod ah ay u bilaabato” ayuu yiri Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.