Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan ayaa caddeeyay in aysan waxba iska beddelin mowqifka dowladda Soomaaliya ee Ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Qoraal uu soo saaray danjire Ilyaas Cali Xasan ayuu ku sheegay in aan waxba isbeddelin mowqifka dowladdu ku ilaalinayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
“Mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri danjire Ilyaas Cali Xasan.
Dhinaca kale, safiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhaweynayso dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
“Soomaaliya waa dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika” ayuu sii raaciyay Ilyaas.
Safiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhammaan isku-dayadii lagu doonayay in arrinta lagu dhammeeyo ay miro-dhali-waayeen sabab ku aadan daacadnimo la’aanta Itoobiya.
Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmay, saacado kadib markii madaxweynaha Kenya sheegay in la kulan siinayo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, si loo yareeyo xiisadda ka jirta gobolka ee ka dhalatay is afgaradkii badda ee Itoobiya iyo Somaliland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.